Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso Magacyada: Xubnaha GALMUDUG ku matalaya guddiyada doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa si rasmiya usoo gudbiyay Xubnaha maamulkiisa Galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee dhawaan lagu heshiiyey.

Qoor-qoor ayaa gudbiyey afar xubnood oo qeyb ka noqonaya guddigaasi, kuwaasi oo dhawaan si rasmi ah u howl-gali doona, maadama heshiis kama dambeys ah laga gaaray khilaafkii doorashada dalka. 

Dhawaan ayaa la filayaa in ra’iisul wasaare Rooble uu wareegto kusoo saaro xubnaha guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka, kuwaasi oo ay soo wada xuleen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu.

Waxaana ilaa iyo hadda gudbiyay xubnaha guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee matalaya maamulada dalka; Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland & Galmudug.

Waxa kaliya oo aan weli soo gudbin xubnaha guddigaasi maamulka Hir-Shabeelle, oo isagu wajahaya jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka maamulkaasi.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha uu gudbiyey Qoor-Qoor

1. Garaad Yuusuf Maxamuud: Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.
2. Mustaf Macalin Cali Salaad: Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.
3. Cabdicasiis Cabdiraxmaan: Xubin Gudigga Doorashooyinka.
4. Liibaan Axmed Xassan: Xubin Gudigga Doorashooyinka.

The post Aqriso Magacyada: Xubnaha GALMUDUG ku matalaya guddiyada doorashada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this