Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo fashilisay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hor hadlayey golaha wasiirada maamulkaasi ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Wasiirka ayaa sheegay in gaarigaasi la doonayey in la soo galiyo gudaha magaalada Baydhabo, balse wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ku fashiliyeen duleeed magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku guuleysteen inay miinooyin ka soo saaraan wadada xiriirisa degmada Baydhabo iyo deegaanka Buulagaduud ee gobolla Baay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay kordhiyeen dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay & Bakool.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this