Deeq A. Posted October 23, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle ay xalay ka sameeyeen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qoesheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafadaha Hanti wadaag, Horseed, Buula Sheekh & Kulmis. Ujeedka baaritaanadan ayaa waxaa lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka magaaladaasi oo ay dhowaan ka dhaceyso doorashada HirShabelle. Ciidamada ayaa howlgalladooda si xoogan uga sameeyey xaafadda Hanti wadaag oo ay ku yaallaan xarunta madaxtooyada iyo xafiisyada maamulka. Jowhar ayaa waxaa haatan ku sii qul qulaya ergooyinka doorashada, iyada oo mashquul badan laga dareemayo gudaha magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites