Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaale Hindiya kasoo jeeda oo afduub ahaan loogu heysto Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muwaadiniin u dhashay wadanka Hindiya oo u shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayey lasoo daristay xaalad adag.

Warbaahinta wadanka Hindiya waxey tabinayaan in 30 muwaadin oo u dhashay dalkooda ay horaantii sanadkaan heshiis la galeen shirkad laga leeyahay Soomaaliya, balse aysan helin xuquuqdooda.

Live Hindustani oo ka mid ah warbaahinta ugu caansan dalkaas ayaa warinaya in ehelada dadkaan ay faafiyeen muuqaalo iyo sawiro ka turjumaya xaaladda adag oo ay dadkaan ku sugan yahiin.

Warbixinada la baahiyay waxey sheegayaan in muwaadiniintaan laga qaatay baasabooradii ay wateen, sidoo kalana ay mushaar qaateen kaliya laba bilood.

Hay’ada xuquuql insaanka dalka Hindiya iyo Safaaradda Hindiya ee magaalada Nairobi ayaa sameeyay dadaalo ay ku baadi goobeen iney dadkaas xoriyadooda dib usoo helaan, waxaana la rajeynayaa iney dhawaan heli doonaan.

Warbaahinta madaxa banaan badi ma hesho xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimahaan oo kale, maadaama ay dowladda si gaar ah u daboosho kiisaskaan.

The post Shaqaale Hindiya kasoo jeeda oo afduub ahaan loogu heysto Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this