Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay magacaabista Wasiirka cusub ee Gargaarka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa hambalyo u diray wasiirka cusub ee Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Khadija Maxamed Diiriye.

Abdelmoula oo sidoo kale ah isu-duwaha xafiiska gargaarka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu filayo in Wasiirka cusub uu kala shaqeeyo ka jawaabidda halisaha guud ee ay Soomaaliya wajaheyso.

Wuxuu sheegay in si gaar ah xafiiska QM iyo Wasaaradda ay sare u qaadayaan iskaashiga xal u helista dhibaatooyinka seddex-geesoodka ah oo ay Soomaaliya wajahayso

Hambalyo Hon. Khadija Mohamed Dirie oo noqotay Wasiirka cusub ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Waxaan rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga aan xal ugu raadineyno  culeysyada seddex geesoodka ee bani’aadannimo ee Soomaaliya” ayuu yiri Abdelmoula

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay magacaabista Wasiirka cusub ee Gargaarka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this