Deeq A. Posted October 22, 2020 (SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa markii u horreysay si rasmi ah u shaacisay in ciidammadeeda badda ay dhawaan howl-gali doonaan, xili uu jiro heshiis aan wax badan laga ogeyn oo ay la gashay dowladda Soomaaliya. Jeneral Aadam Maxamed, Taliyaha guud ee Ciidammada Itoobiya oo warbaahinta maxaliga ah la hadlayay ayaa sheegay nay Itoobiya hawl-gelinayso ciidammadeeda Badda iyadoon bad lahayn, isla markaana ay isticmaali doonto kuwa dalalka deriska. Jeneraalku marnaba ma xusin dal gaar ah oo ay ciidamadoodu saldhig ka dhiganayaan, balse waxa la fahamsan yahay in ciidamadaasi ay ka howl-gali doonaan badda Soomaaliya. Dowladda federaalka Itoobiya ayaa dowladda Soomaaliya dhawaan la gashay heshiis ay ku isticmaalayso illaa 4 dekedood, inkasta oo aan si dhab ah loo ogay kuwa ay yihiin Sidoo kale waxa uu taliyuhu ku dhawaaqay inay soo kordhiyeen laba Guuto oo cusub oo uu sheegay inay ka shaqayn doonaan Rabshadaha kala duwan markay dhacaan. Ciidamada badda ee Itoobiya ayaa waxa gacan weyn ka geystay tababarkooda dowladda Faransiiska, oo iyadu u aragta fursad muhiim ah oo uga iibin karto Maraakiibta kala duwan ee ciidamadaasi ku howl-galayaan. Si-kastaba, Ciidamada Itoobiya ay sheegtay inay si rasmi ah u howl-gali doonaan ayaa waxay isticmaali doonaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedka rasmiga ah ee Itoobiya ka leedahay ciidamadaasi. Source Share this post Link to post Share on other sites