Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Matabaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aynu ka helayno deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in mnta uu halkaasi ka dhacay dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay, waxana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dagalkaasi.

Dagaalka ayaa u dhexeeya laba maleeyshiyo beeleed oo sida la sheegay isku haysta Dhul daaqsimeed, waxaana la sheegayaa in dagaal koodu uu saaka billowday.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalku uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Xajiin Farayar oo u dhexeeya Ilguulle iyo Bilcille oo hoostaga degmada Mataabaan.

Inta la xaqiijayay hal qof ayaa ku dhintay oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana jira dhaawac intaas ka badan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaaan uu la xariiraa dagaalku sida ay wararku sheegayaan Aanooyin Qabiil.

Xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ayaa ah mid kacsan, waxaana weli socda hub uruursi ay wadaan dhinacyada saaka dagaalamay, waxaana dadka deegaanku ay soo sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan taahay deegaanka Xajiin Farayar oo ah halka dagaalku ka socdo, welina ay isku hor fadhiyaan maleeyshiyaadkii diriray.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this