Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo ganacsato ku xir-xray Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada nabad-sugida Soomaaliya ay Beled-Xaawo ku xir-xireen ganacsato la sheegay inay u tageen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab oo weli ku sugan gobolkaasi.

Ganacsatada la xir-xiray ayaa waxaa lagu eedeeyey inay Al-Shabaab ugu tageen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo looga yeeray.

Nabadoon Idiris Maxamed Axmed oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey xariga lagula kacay odayaashaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haatan xiisad ka dhalatay arrintaasi ay ka taagan tahay Beled-Xaawo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda ay socdaan dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi, islamarkaana lagu sii deynayo odayaasha la xiray.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xiraan ganacsato u tegay Xarakada Al-Shabaab, waxaana arrintan marar badan ka digay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan koonfurta iyo bratamaha Soomaaliya

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this