Sign in to follow this  
Deeq A.

Ardey lacag la siiyay si ‘loo aqoonsado’ macalinkii Faransiiska ee la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ardey lacag la siiyay si ‘loo aqoonsado’ macalinkii Faransiiska ee la dilay

Dacwad oogaha wuxuu sheegay in ardeyda ay ninka weerarka soo qaaday tusiyeen macalinka
Dacwad oogaha wuxuu sheegay in ardeyda ay ninka weerarka soo qaaday tusiyeen macalinka

Labo ardey ah oo ku sugan Faransiiska ayaa lacag la siiyay si ninkii weerarka geystay ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalin Samuel Paty, kaas oo dhawaan lagu gowracay dalkaas kaddib markii ardeydiisa uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed N.N.K.H.H, sida ay sheegayaan dacwad oogayaasha.

Abdullakh Anzorov, oo ah ninkii dilka geystay ayaa weerarka kaddib waxaa toogtay booliska.

Dacwad oogayaasha waaxy maanta sheegeen in Abdullakh Anzorov uu labada ardey siiyay 355 doolar si ay uga caawiyaan in uu aqoonsado wajiga macalinka ka hor inta uusan weerarka qaadin.

Ninkii dilka geystay wuxuu ardeyda ka dhaadhiciyay “In uu doonayay in uu muuqaal ka duubo macalinka si uu raalli gelin uga bixiyo sawir gacmeedka laga sameeyay nebi Maxamed ee uu ardeyda tusay” sida uu sheegay dacwad oogaha qaabilsan dambiyada la xiriira argagixisada Jean-François Ricard.

Wuxuu intaas ku daray in labada ardey lagu tuhmayo in ninka ay tuseen macalin Paty isla markaana uu in ka badan labo saacadood kula qaatay afaafka hore ee iskuulka ilaa inta uu kasoo baxayay macalinka.

Labadan ardey ayaa waxay kamid yihiin 7 qof oo ay saraakiisha Faransiiska ku raad joogeen kaddib weerarka.

Olole naceyb oo ka socday Online-ka

Dacwad oogaha wuxuu sheegay inay jireen olole ku saleysan naceyb oo ka socday Online-ka kaas oo ka dhan ah Mr Paty.

Waxaana ololahan lagu eedeeyay in uu garwadeen ka ahaa aabaha dhalay mid kamid ah ardeyda uu wax u dhigayay macalinka, warbaahinta Faransiiska ayaa ninka magaciisu ku sheegtay Brahim C, kaas oo la sheegay in uu soo saaray fatwo ka dhan ah macalinka.

Arbacadii, dacwad oogaha wuxuu sheegay in Braham C ay qaab farriin ah ku wada xiriireen ninkii dilay macalinka ka hor inta aanu weeerarka dhicin, ninka ayaa wajahayaa dacwad.

Undated photo of Samuel Paty
Samuel Paty, waxaa loo diray hanjabaado ka hor intii aan la dilin

Booliska waxa ay Isniintii qaadeen howlgallo xiriir ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan shabakadaha Islaamiyiinta, iyadoo 40 guri la baaray.

Talaadadii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in hay’adda Sheekh Yaasiin Collective – oo ah koox Islaami ah oo loogu magac daray ninkii sameeyay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas – shatiga shaqo lagala laaban doono maadaama “ay toos ugu lug laheyd” dilka.

Wuxuu sheegay in xayiraaddan ay tahay mid lagu caawinayo bulshada Muslimiinta Faransiiska, iyo Yurub-ba, si aanay galaangal ugu yeelan xagjirnimo.

Hogaamiyaha kooxdaas ayaa ka mid ah 16 qof oo boolisku uu qabtay kaddib dilkii Jimcihii.

Lix qof oo ka mid ah dadkii la xiray ayaa haatan la sii daayay, kaddib markii su’aalo la waydiiyay, dadkaas oo uu ka mid ahaa ninka wax dilay awoowihiis, waalidiintiisa iyo walaalkii oo 17 sano jir ah. Afar arday oo iskuullay ah ayaa la rumaysan yahay in weli la hayo.

Maxaa Samuel Paty loo bartilmaameedsaday?

Isniintii, dacwad oogaha waaxda argagixisa la dagaalanka, Jean-François Ricard, ayaa sheegay in Mr Paty lagu qaaday hanjabaado tan iyo markii uu kartuunnada lagu tilmamay Nebi Muxamed N.N.K.H uu tusiyay ardayda intii uu socday cashar dhinaca xoriyadda hadalka ah, waa horraantii bishan Oktoobar.

Macallimka dhigi jiray Taariikhda iyo Juquraafiga, wuxuu ardayda Muslimiinta ah kula taliyay inay qolka isaga baxaan haddii ay u malaynayaan in dambi laga galayo.

Mr Ricard ayaa sheegay in ninka macallinka dilay uu iskuulka tegay galabkii Jimcaha uuna ardayda waydiiyay inay u tilmaamaan macallinka. Kaddib waxa uu dabagalay Paty oo gurigiisa u lugaynayay, mindi ayuuna ku weerraray.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this