Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gudbisay xubnaha ku matala Guddiyada Doorashooyinka Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxtooyada dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u gudbisay liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Labada xubnood ee Puntland ku matala Guddiga Doorashooyinka Federaalka, ayaa loo magacaabay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Tima-cadde iyo Muuse Geelle Faroole oo horay xilal uga soo qabtay Puntland.

Sidoo kale, labada xubnood oo Puntland ku matala Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Federaalka, ayaa Puntland u magacowday Siyaasi Burhaan Cilmi Filig iyo gabar La-taliye u ah Madaxweyne Deni oo lagu magacaabo Yaasmiin.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo gudbisay xubnaha ku matala Guddiyada Doorashooyinka Federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this