Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenka Soomaaliyeed oo ku baaqay in la ilaaiyo qoondooda 30%

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur ay ku mideysan yihiin haweenka Soomaaliya, dal iyo dibad, islamarkaana isagu jira siyaasiyiin, Xildhibaanno, Senataro, ganacsato, aqoonyahanno, iyo ururada bulshadda rayidka ayaa soo saarey war qoraal ah oo ay ku baaqayaan in la ilaaliyo qoondada iyo ka qeybgalka haweenka ee doorashooyinka 2020-2021.

Waxay warqad u direen Madaxweynaha dalka, gudoonka labada aqal ee BFS, odayaasha dhaqanka, xafiiska QM ee Soomaaliya iyo dhamaan safaaradaha beesha caalamka eek u yaalla Muqdisho.

Bayaaanka ayaa lagu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka qaateen badbaadinta dalka iyo dadka intii lagu guda jiray dagaalka sokeeye, sidaas darteed ay mudan yihiin in door muuqda ku yeeshaan dowladda, islamarkaana la ilaaiyo qoondada 30%, ee baarlamaanka, sida ku xusan qodobka 5aad ee heshiiska doorashooyinka ay 17-kii bishii lasoo dhaafay ay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamullada ku gaareen Muqdisho.

Ururka Hear Women [Dhageyso haweenka] oo fadhigiisu yahay UK ayaa ka codsaday hogaanka dalka iyo odayaasha dhaqanka inay taageeraan, islamarkaanka xaqiijiyaan qoondada haweenka ee doorashooyinka soo socda ee Somalia.

Beesha caalamka ayaa marar badan ku baaqday in la ilaaliyo kaalinta haweenka ee dowladnimada Soomaaliya, iyadoo shirar badan oo calami ah laga yeeshay sidii loo soo afjari lahaa dhamaan noocyada faquuqa ee lagu sameeyo haweenka, taasoo wadada kaliya ee looga gudbi karo tahay in la ilaaliyo matelaadda haweenka ee baarlamaanka.

Baaqan ayaa lagu soo beegay xili 4 bilood ka harsan tahay doorashadda, waxayna saxiixiyaasha qoraalkan ay ugu baaqeen hogaanka dalka oo Madaxweynaha ugu horeeyo in qoondada 30% la ilaaliyo.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this