Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in beesha Xawaadle loo wado guddoomiyaha BF, si Hawiye loo dhaafiyo xilka madaxweynaha?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga waxa uu shaaciyey inuu xog ka helay qorshe doorashada soo socota ee dalka lala damacsanyahay beelaha Mogadishu Clan.

Cosoble ayaa sheegay inuu xan ku helay in beesha uu ka dhashay ee Xawaadle la doonayo in loo sharaxo guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, qorshahaas oo hadii uu guuleysto meesha ka saareya in Mogadishu Clan u tartamo kursiga madaxweynaha dalka.

“Waxaa meelaha la wadaa nuxnux ah inuu Xawaadle baarlamaanka soo socda isu sharraxo oo lagu taageeri doono Guddoomiyaha BFS, taasoo looga gol leeyahay in Mogadishu Clan laga reebo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cabdullahi Cosoble.

Qoraalkiisa ayaa intaas ku sii daray, “Kuwa saa u fikiraya waxaan leeyahay Xawaadle kuma shaqeeyo munaafaqad mana dhaawici doono dhaqan siyaasadeedka ka jira Soomaaliya. Xawaadle wuxuu ka mid yahay beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed lagumana adeegan karo.”

Cali Cosoble oo fariin u diray xubnaha in loo adeegsado fulinta qorshahaas ay macquulka tahay waxa uu yiri, “Xildhibaan doonka Xawaadle ee looga shakiyo iney sidaa ka suurta gashana Xawaadle kursi ma soo siin doonaan. Riwaayadaha iyo riyooyinka raqiiska ah ha la iska ilaawo intaan lagu hungoobin.”

The post Maxaa ka jira in beesha Xawaadle loo wado guddoomiyaha BF, si Mogadishu Clan loo dhaafiyo xilka madaxweynaha? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this