Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad kala socotaa barnaamijka baraha bulshada ee sawirradaada qaawin kara?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaad kala socotaa barnaamijka baraha bulshada ee sawirradaada qaawin kara?

In ka badan boqol kun oo haween ah ayuu saameeyay barnaamijkan
In ka badan boqol kun oo haween ah ayuu saameeyay barnaamijkan

Warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in sawirrada haween tiradoodu ka badan tahay 100,000 oo wada qaawan lagu faafiyay app-ka Telegram, kaddib markii barnaamij tiknoolojiyad ah lagu khiyaanay sawirro ku jira baraha bulshada.

Shirkadda lagu magacaabo “Sensity”, oo warbixintan shaacisay ayaa sheegtay in sawirradaas qaarkood ay yihiin carruur.

Software-ka loo adeegsaday sawirrada la qaawiyay ayey shirkaddu sheegtay in loogu talagalay madadaalo ahaan.

BBC-da ayaa tijaabisay barnaamijkaas, iyadoo uusan wax saameyn buuran ah ku yeelanin.

Shirkadda “Sensity” waxay intaas ku dartay in barnaamijkan uu ku dhisan yahay “male’awaal qotadheer”, iyadoo sawirradana loo adeegsado muuqaallo ku jira bogagga lasoo galiyo sawirrada anshax xumada ah.

Hase yeeshee madaxa shirkadda, Giorgio Patrini, ayaa sheegay in hadda loo soo jeestay sawirrada wajiga kaliya ah ee ay dadka soo dhigaan baraha bulshada, arrintaasina ay tahay wax ku cusub internet-ka.

Wuxuu digniin u diray dadka sawirradooda soo dhiga qeybaha kala duwan ee baraha bulshada, kuwaasoo uu sheegay inay bartilmaameed sahlan u noqon karaan kooxaha sawirradaas been abuurka ah sameynaya.

Sidee buu u shaqeeyaa barnaamijkan sawirrada qaawiya?

Barnaamijkan waxaa heysta qolo channel ku leh barta Telegram, qof kasta oo doonaya in sawir loo qaawiyo ayaana u diri kara sawirradaas, isla daqiiqado gudahoodna waxay usoo qaawinayaan iyagoo aan wax kharash ah weydiinin.

BBC-da ayaa aragtay dad tijaabo ahaan sawirradooda ugu diray qolyahaas, markii dib loogu soo celiyay iyagoo qaawanna waxay ahaayeen kuwo gabi ahaanba aan la rumeysan karin.

Waxaa suuragal ah in barnaamijkan uu u shaqeynayo sidii ay u shaqeynayeen barnaamijyo la mamnuucay sanadkii lasoo dhaafay.

 

Sawirro tusaale ahaan loogu muujinayo sida uu barnaamijkaas u shaqeynayo
Sawirro tusaale ahaan loogu muujinayo sida uu barnaamijkaas u shaqeynayo

“Waxani waa madadaalo, qalalaasena kuma jiro,” ayuu yidhi qofka mas’uulka ka ah barnaamijkaas, oo magaciisa ku soo koobay Mr. Pei.

Wuxuu intaas ku daray: “Ma jiro qof kugu cabsi galinaya barnaamijkan ama noloshaada ku baabi’inaya, maadaama natiijadu aysan ahayn mid sax ah.”

Isagoo hadalkaas sii wata ayuu sheegay in kooxda shaqadan ku howlan ay tixraac ku sameeyaan sawirrada, “mar walba oo ay helaan sawirro carruurna ay barnaamijkooda xayiraad mamnuucid ah ka saaraan ciwaannada dadka usoo diray sawirradaas”.

Laakiin wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka ku saabsan faafinya sawirradaas qaawan uu u yaallo dadka markii horeba dalbaday in loo baddalo.

Isagoo difaacaya dhibaatada uu barnaamijkan u geystay dad badan ayuu Pei yidhi: “Adduunka waxaa ka jira dagaallo, cudurro iyo waxyaabo badan oo dadka waxyeelleeya.”

Telegram messaging app is seen on a smart phone

Maamulka shirkadda Tegram wax jawaab ah kama aysan bixinin su’aalo aan ka weydiinnay aarinta ku saabsan warbixintan.

Sida ku xusan warbixinta “Sensi” intii u dhaxeysay bishii July ee sanadkii 2019-kii ilaa bishii July ee 2020-kii, qiyaastii 104,852 haween ah ayaa lagu bartilmaameedsaday barnaamijkan sawirrada lagu dhalan rogo, kaddibna waxaa baraha bulshada lagu faafiyay sawirrada been abuurka ah ee laga sameeyay, loona maleynayo iyagoo qaawan.

Waxay warbixintu sheegtay in qaar ka mid ah dadka la bartilmaameedsaday ay ahaayeen gabdho aan qaan gaarin, taasoo bidhaamineysa “in dadka qaarkood ay isku dayayaan inay geystaan tacaddi ka dhan ah ilmaha”.

Sensity waxay sheegtay in dadka ugu badan ee barnaamijkan adeegsada ay yihiin kuwo u dhashay waddanka Ruushka iyo dalalka kale ee horay uga tirsanaan jiray isbahaysigii la odhan jiray Midowgii Soviet.

App-ka Telegram wuxuu mamnuuc ka ahaa waddanka ruushak wixii ka horreeyay billowgii sannadkan, ka hor inta aan mar kale dib loo fasixin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this