Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka ka dhashay dagaal ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda maanta ku dhex-maray magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliiska iyo Nabad Sugida ayaa ka dhacay xaafadda buundooyinka oo ka tirsan degmada Waabari.

Wararka ayaa sheegaya in is-raaseynta oo socotay muddo daqiiqado ah ay markii dambe istaagtay, waxaana goobta tegay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale oo ahaa dhinacyadii diriray.

Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dhalisay iska hor imaadkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana si caadi ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha caasimadda, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku dhaqan M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this