Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo u digtay xildhibaano iyo wasiiro + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Wasiiro, Xildhibaano, iyo Odayaal dhaqameedyo dedaal ku bixinaya sii deynta shaqsi ay matalaan oo ku eedeysan fal dambiyeedyo uu ka mid yahay kufsi.

Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin falalka uu kufsiga ka mid yahay, sidoo kalena dadka lagu helo aysan aqbali doonin in dad siyaasiyiin ah ay damaanad ku sii daayaan.

Sidoo kale wuxuu digniin siiyey shaqsiyaadka kufsiga geysta, waxaana uu sheegay in Jubbaland aysan dadkaasi ka hari doonin, isla markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Falalka Kufsiga haweenka iyo caruurta ayaa mudooyinkan ku soo badanayey qeybo ka mid ah Soomaaliya, dadka falkaas ku lug leh qaarkood waala qabtay, kuwo kalena gacan laguma dhigin weli, mana cadda sababta ka dambeysa kufsiga sii kordhaya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this