Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweyne muhiim ah oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa mannta magaalada muqdusho ka daah furtay kulan wadatashi oo ku saabsan abuurista xarunta macluumaadka ee loo yaqaano (resource centre) ee arrimaha dhab-u-heshiinta iyo federaalka.

kulankaan oo socon doono mudo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeen doona sida ugu haboon ee loo unki karo xarun lagu kaydiyo laguna fidiyo aqoonta , macluumaadka iyo khibradda la xiriirta arrimaha nabadda, dhab-u-heshiinta iyo federaalka, iyadoo laga tala galinaayo khubarada, ururada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha waayo-aragnimada u leh arrimaha nabadda iyo dowladnimada.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-hishiisiinta ee dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this