Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo Afwerki ka Caawiya Duullimaadyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (PP) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diyaarad u soo dirtay madaxweynaha Eritreeta Isaias Afwerki ka hor intuusan booqasho dhowr maalmood qaadatay ku tagin Itoobiya toddobaadkii hore.

Mu.jpg?resize=911%2C1440&ssl=1Madaxweyne Afwerki oo ka soo degay diyaaraddii Imaaraadku u soo diray.

Sida uu qoray warsidaha Indian Ocean Newsletter, ma aha markii kowaad oo Imaaraadku diyaarad u soo diray Afwerki. Imaaraadku wuxuu saldhig ciidan badeed ku leeyahay dekedda Casab. Eritreeya waxay ka mid tahay dalal ku bahoobay isbahaysi Badda Cas ku saabsan oo dhowr dal Carbeed ka mid yihiin.

Dhowaan Seyoum Mesfin, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Itoobiya, ayaa sheegay in burburkii Madasha Sanca (Sana’a Forum) ay tahay dhibaato weyn. Itoobiya waxay xiriir adag la lahayd Yemen oo sagaashamaadkii jasiirad ay leedahay ay Eritreeya weerar kula wareegtay. Jasiiradda waxaa loo celiyay Yemen waanwaan dheer kaddib.

Dadka reer Eritreeya ayaa aad uga walaacsan taageerada Imaaraadka oo ay u arkaan mid xididdada u sii adkaynaysa keli-taliska 27 jirsaday ee Afwerke. Afwerki ayaa noqday madaxweynaha Eritreeya sanadkii 1993ki kala go’ii Itoobiya iyo Eritreeya kaddib.

WhatsApp-Image-2020-10-20-at-20.46.141.jWarkii Warsidaha Badweynta Hindiya uu ka qoray iskaashiga duullimaadyada

© Puntland Post, 2020

The post Imaaraadka oo Afwerki ka Caawiya Duullimaadyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this