Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Reer Somaliland Ah Oo Hirgelisay Warshada Ugu Weyn Africa Ee Sonkorta+ SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Uganda)-Haweeney reer Somaliland ah oo ka mid ah ganacsatada ugu taajirsan Africa ayaa waqooyiga dalka Uganda ka hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee Sonkorta, waxaana xafladda furitaanka warshadaasi oo dhici doonta Khamiista ay kasoo qeyb geli doona madaxda Africa oo ugu horreeyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musafeni.

Drs. Aamina Xirsi Mooge oo dalka Uganda iyo dalalka kale ee deriska la ah ka hirgelisay maalgashiyo kala duwan ayaa waxay ku guulleystay inay Ugandha markaan ka hirgeliso warshadda ugu weyn ee soo saarta Sonkorta, taasoo lagu magacaabo Atiak, taasoo horumar iyo dhaqaale kusoo kordhin doonta gobolka Geeska iyo Afrikaba.

Maalgashiga weyn ee ay Drs. Aamin Xirsi Mooge ku samaysay warshadan sonkorta ayaa noqonaya mashruucii ugu ballaadhnaa ee laga hirgeliyo waqooyiga dalka Uganda, iyada oo la filayo in warshada Atiak ee sonkortu ay gobolka geeska Afrika ku soo kordhin doonta dakhli iyo horumar ballaadhan kadib marka la gaadhsiiyo wadamada ku yaalla gobolka.

Drs. Aamina ayaa hore dalka Uganda ugu hirgelisay warshadda sibidhka iyo qalabka dhismaha ee lagu iibiyo magaalooyinka wadanka Uganda, loona dhoofiyo dalalka kale ee gobolka, waxay kaloo ay leedahay xarunta ganacsiga Oasis Shopping Mall ee ku yaalla xaafadda ganacsiga ee badhtamaha caasimada Kampala iyo guryaha Laburnam Courts oo ku yaalla Nakasero Hill oo deris la ah Aqalka Madaxtooyada ee Kampala.

Haweeneydaan ayaa si weyn looga tixgeliyaa dalka Uganda oo saameyn xooggan ay ku leedahay, iyadoo dhaqaalaha wadanka soo gala ay ka tilmaaman tahay.

1-7.jpg 2-5.jpg 3-5.jpg 4-4.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this