Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Qirtay In Uu Xisaab Bangi Ku Leeyahay Dalka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qirtay inuu leeyahay xisaab bangi oo uga furan bangi Shiinees ah sidda ay daabacday jariirada New York Times.

Akaawnkan ama xisaabta bangi oo ay leedahay shirkadda Trump ee adeegyada hotelada ayaa waxaa la canshuuray intii u dhexeysay sannadkii 2013 illaa 2015

Afhayeen u hadlay Madaxweyne Trump ayaa sheegay in akaawnkan loo sameeyay arrimo la xidhiidha howlaha hotelada ee qaarada Aasiya.

Mr Trump ayaa hore u dhaliili jirey shirkadaha Maraykanka ee ganacsi la sameeyo dalka Shiinaha waxana uu qarxiyay dagaal ganacsi oo ka dhan ah Shiinaha.

Arrintan ayaa waxa ay soo shaac bixiyay wargeyska New York Times kadib markii wargeyska uu helay faahfaahino la xidhiidha dhaqaalaha Trump ha noqoto mid shaqsi ah ama mid shirkadaha uu leeyahay ah.

Wargeyska ayaa hore u daabacay warbixino sheegaya in Trump uu bixiyay lacag gaadheysa $750 (£580) sannadihii 2016 iyo 2017,halka Xisaabta bangi uu ku leeyahay Shiinaha canshuur ahaan u bixiyay $188,561.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this