Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Ruxay Muqdisho oo Koobsaday Khasaare Dhimasho & Dhaawacba leh+ Masuul ka bad baaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax Ruxay Muqdisho oo Koobsaday Khasaare Dhimasho & Dhaawacba leh+ Masuul ka bad baaday

qarax-2.jpg

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax nooca Miinada wadada dhinaceeda la dhigo oo caawa fiidkii lala eegtay gaadhi uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Korneel Maxamed Aadan Koofi.

Qaraxan ayaa ka dhacay isgooska KM4-ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore masjid halkaasi kuyaala, waxaana la sheegay in qaraxa oo bac lagu qariyay in lasii dhigay laamiga dhinaciisa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay xili uu goobtaasi marayay gaadhi la sheegay in uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Koofi, waxaana la sheegay in agaasimaha uu ka bad baaday qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo kamid ahaa ilaalada agaasimaha ayaa ku dhintay qaraxa, warar kale oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in 3 qof oo shacab ah oo goobta marayay inay isla qaraxa ku dhintay.

 

Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxan caawa ka dhacay isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxa ka dhacay meel u muuqata koontarool ku leh ciidamada Soomaaliya oo ku fashilmay in ay ka hortagaan qaraxaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this