Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo hirgelisay Wershada ugu weyn Africa ee soo saarta Sonkorta+Dalkay ku taalo & Xoggo kale

Recommended Posts

Deeq A.   
Haweeney Asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo hirgelisay Wershada ugu weyn Africa ee soo saarta Sonkorta+Dalkay ku taalo & Xoggo kale
Sawirro: Haweeney Somali ah oo hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee sonkorta

Haweeney Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada ugu taajirsan Africa ayaa waqooyiga dalka Uganda ka hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee Sonkorta, waxaana xafladda furitaanka warshadaasi oo dhici doonta Khamiista  kasoo qeyb geli doona madaxda Africa oo ugu horeeyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musafeni.

Drs.Aamina Xirsi Mooge oo dalka Uganda iyo dalalka kale ee deriska la ah ka hirgelisay maalgashiyo kala duwan ayaa waxay ku guuleystay inay Ugandha markaan ka hirgelisao warshadda ugu weyn ee soo saarta Sonkorta, taasoo lagu magacaabo Atiak, taasoo horumar iyo dhaqaale kusoo kordhin doonta gobolka Geeska iyo Afrikaba.

Maalgashiga weyn ee ay Drs. Aamin Xirsi Mooge ku samaysay warshadan sonkorta ayaa noqonaya mashruucii ugu balaadhnaa ee laga hirgeliyo waqooyiga dalka Uganda, iyada oo la filayo in warshada Atiak ee sonkortu ay gobolka geeska Afrika ku soo kordhin doonta dakhli iyo horumar balaadhan kadib marka la gaadhsiiyo wadamada ku yaala gobolka.

Drs. Aamina ayaa horay dalka Uganda ugu hirgelisay warshadda sibidhka iyo qalabka dhismaha ee lagu iibiyo magaalooyinka wadanka Uganda, loona dhoofiyo dalalka kale ee gobolka, waxay kaloo ay leedahay xarunta ganacsiga Oasis Shopping Mall ee ku yaal xaafadda ganacsiga ee badhtamaha caasimada Kampala iyo guryaha Laburnam Courts oo ku yaal Nakasero Hill oo deris la ah Aqalka Madaxtooyada ee Kampala.

Haweeneydaan ayaa si weyn looga tixgeliyaa dalka Uganda oo saameyn xoogan ay ku leedahay, iyadoo dhaqaalaha wadanka soo gala ay ka tilmaaman tahay.

amina-ugandha-1.jpg amina-ugandha-2.jpg amina-ugandha-3.jpg amina-ugandha-4.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this