Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo xalay dil ka geystay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay kaakiye sare oo ka tirsanaa maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada maamulka Puntland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in toogashadaas ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus), waxaana lagu dilay agagaarka hoyga uu ka dagan yahay Garoowe.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jirto natiijo ka soo baxsaday, sida ay shaaciyeen laamaha amniga.

Sidoo kale ma jiro weli wax faah faahin oo saraakiishu ka bixiyey dilka loo geystay Marxuum Garyaqaan Maxamed Jaamuus.

Inta badan magaalooyinka Puntland, sida Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo waxaa ka dhaca falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this