Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Buurdhuubo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab oo dhinac ah oo ka dhacay degmada Buurdhoobo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla degmadaasi.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal weerarka, kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Nuur Xasan Daa’uud oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga ayaa Shabelle uga warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana Buurdhuubo howl-gallo baaritaano ah ka wada ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this