Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska oo la kulmay madaxda Ha’yadda UNODC

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir looga hadlayay sidii loo tayeyn lahaa loona tababari lahaa xubnaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ee ka shaqeeya qeybta dembi baarista(C.I.D) ayaa lagu qabyay magaalada Muqdisho.sida ay SONNA ka soo xigatay taliska booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ay la socdaan Saraakiil sar sare oo Ciidanka ah, ayaa maanta kulan kula qaatay Madaxda Sare ee Hay’ada UNODC oo QM u qaabilsan ka hortagga dembiyada Saldhigga Booliiska Airport-ka Caalamiga ah ee Muqdisho (AAIA)

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha tayeeynta iyo Tababarada Xubnaha Ciidanka ee Baarista Dembiyada, iyada oo la’is dhaafsaday qorshaha mustaqbalka dhow.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wada dadaalo ku aadan howlaha lagu tayeynayo adeegyada booliska ee bulshada ay u qabanayaan,iyadoo dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay howlihii adeegyada C.I.D ay ka helaan bulshada Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this