Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howl-gal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa guullo ka sheegtay howl-gal ay ciidamada milatariga Soomaaliya ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Diinsoor, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Saraakii ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howl-galkaasi ay ku dileen illaa 19 xubnood oo ka tirsanaa, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen labo kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in gubeen labo baabuur oo ay lahaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Xaaladda haatana kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa deegaano iyo tuulooyin hoos-yimaada degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this