Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Milateriga Soomaaliya oo shaaciyay in ay khasaaro ba’an gaarsiiyeen Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Milateriga Soomaaliya, ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee shalay Ciidanka dowladda oo ay weheliyaan kuwa  koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Baay.

 Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaan lagu magacaabo Mitir oo 11KM u jira degmada Diinsoor, kadibna uu dhacay dagaal  saacado badan qaatay.

Waxaa uu sheegay Taliye Oadwaa in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo la gaarsiiyay Al-shabaab, iyagoona xusay in weerarka lagu dilay 19 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena gacanta lagu dhigay laba xubin.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha,  ayuu uu tilmaamay in la burburiyay goob Shabaab ay isku aruursanayeen.

PUNTLAND POST

The post Taliska Milateriga Soomaaliya oo shaaciyay in ay khasaaro ba’an gaarsiiyeen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this