Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Khasaare ka dhashay Rasaas dhexmartay Booliiska iyo koox Cabtooy ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Marxuum-Jaamuus.jpg?resize=716%2C563&sslMarxuum Jaamuus

Nin dhalinyaro ah, oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamuud Cabdi Jaamuus, ayaa ku geeriyooday Rasaas xooggan oo xalay ka dhacday gudaha magaalada Garoowe, taas oo dhexmartay Ciidanka Booliiska iyo koox Cabtooy ah, sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiisha Booliska gobolka Nugaal.

Marxuum Jaamuus, ayaa la xaqiijiyay in ay haleeshay Rasaas wiifto ah oo ay is weydaarsanayeen Ciidanka iyo koox hubaysan oo cabtooy ah, kuwaas oo la doonayay in gacanta lagu dhigo, balse aysan suurta-gelin.

Cabtooyada oo watay gaari yar oo nooca raaxada ah, ayaa la sheegay in ay xoog kaga gudbeen bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Garoowe.

Magaalada Garoowe, waxa maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay kooxaha cabtooyda ah oo khamriga iyo daroogada kale soo geliya magaalada, kuwaas oo marar kala duwan weeraray Booliska.

PUNTLAND POST

The post Garowe: Khasaare ka dhashay Rasaas dhexmartay Booliiska iyo koox Cabtooy ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this