Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg:Deg: Agaasime Koofi oo ‘ka bad-baaday’ qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhaw ka dhacay agagaarka isgooska KM4 ee Muqdisho.

Sida dad goobjoogayaal ah ay u sheegeyn Shabelle waxaa qaraxa la dhigay darbiga masjid ku yaalla hareeraha wadada aada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Sidoo kale wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi xilliga uu dhacay uu halkaasi marayey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Somalia Maxamed Aadan Jimcaale Koofi.

Inta la xaqiijiyey hal qof rayid ah ayaa geeriyooday, halka uu dhaawacmay qof kale, inkastoo khasaaruhu intaasi ka badan yahay.

La soco wixii soo kordha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this