Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo 3 maalmood u qabatay ganacsatada Kenya ee sida qarsoodiga ah Qaadka kusoo geliya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Dowladda Soomaaliya oo 3 maalmood u qabatay ganacsatada Kenya ee sida qarsoodiga ah Qaadka kusoo geliya Muqdisho
email sharing button
 20201020637387760221868887.jpg

Urur ay ku midaysan yihiin ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siisay ogeysiis sedex maalmood ah ganacsatada Kenyaanka ah ee sida dhuumaaleysiga ah qaadka uga soo daabula magaalada Mandheera, si loosoo galiyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ururkaas Miraa Kimathi Munjuri ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya  ay sidoo kale xoojisay amniga xeebaheeda si ay u joojiso qaadka Kenya ee dalka ka soo galaya dhinaca badda.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya tallaabadaan uga golleedahay sidii fursad loo siin lahaa Qaadka Ethiopia oo dhawaan markii ugu horeysay laga dajiyay magaalada Muqdisho, oo horey u ahayd suuq u gaar ah Qaadka Kenya.

Mr Munjuri wuxuu ka codsaday dowlada Kenya inay Soomaaliya la gasho wadahadal diblomaasiyadeed si looga hortago inay lumiyaan waxay ugu yeedheen suuqa qiimaha badan ee Soomaaliya.

“Haddii macaamiisha Soomaalida loo oggolaado qaadka Itoobiya, waxaan waayi karnaa suuqa oo idil. In ka badan 50 doonyood ayaa la geeyay badda si ay nooga joojiso isticmaalka badda. Maxay dowladeenu ugu ogolaatay Itoobiya inay naga dheereeyaso? ” ayuu yidhi Mr Munjuri oo sheegay inay ka warqabaan in 30 tan oo qaadka Itoobiya ah la geeyay Muqdisho.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this