Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Liiska Argagaxisada Ka Saaray Dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Suudaan uu ka saari doono liiska dowladaha taageera argagixisada haddii ay bixiso magdhow dhan 335 milyan oo dollar.

Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdook oo ka jawaabaya ayaa yidhi dhaqaalihii waa la wareejiyay laakiin ma jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in Mareykanku si deg-deg ah u helay.

Suudaan waxay ku jirtay liiska tan iyo 1993 markii hogaamiyaha al-Qaacida Cusama Bin Laden uu halkaas ku noolaa isagoo marti u ahaa dowlada.
Magdhowgu wuxuu la xidhiidha qaraxii al-Qaacida ee safaaradaha Mareykanka ee Afrika sanadkii 1998.

Weerarradii ka dhacay Tansaaniya iyo Kenya waxaa ku dhintay in ka badan 220 qof, lacagta magdhawga ahna waa in la siiyaa “dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska”, ayuu yidhi Mr Trump.

Xidhiidhka u dhexeeya Mareykanka iyo Suudaan ayaa soo fiicnaanayay tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir ka dib mudaaharaadyo ballaadhan oo ka dhacay dalkaas sannadkii hore. Mr Bashiir wuxuu xukumayay wadanka Suudaan ee ay colaaduhu ragaadiyeen muddo 30 sanno.

Ka saarista Suudaan liiska madow waxay noqon doontaa war aad looga soo dhoweeyo dalka, halkaas oo cuntada, shidaalka iyo daawadu ay qaali yihiin oo ay gabaabsi yihiin.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Donald Trump sidaan ku yidhi: “War wanaagsan! Dowladda cusub ee Suudaan, oo horumar weyn sameyneysa, waxay ogolaatay iney 335 MILYAN siiso dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska.

“Marka la ii shubo, waxaan ka saari doonaa Suudaan liiska dowladaha taageera Argagixisada. Ugu dambeyntiina, waa caddaaladda dadka Mareykanka ah iyo tallaabo weyn oo loo qaado Suudaan!”

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu awood u leeyahay inuu Suudaan ka saaro liiska wadamada taageera argagaxisada ,aqalka wakiiladuna waxaa uu haystaa 45 maalmood uu wax kaga yidhaa tallaabadaan.

Suudaan ayaa hadda ka mid ah afar dal oo ay ka mid tahay Iiraan ,waqooyiga Kuuriya iyo Suuriya oo ku jiira liiska madow.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this