Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha Iyo Taiwan Oo Khilaafkooda Gaadhay Heer La Isku Gacan Qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisadaha muddada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa Sababay in diblomaasiyiintooda uu gacan qaad ku dhexmaro dalka Fiji.

Taiwan ayaa ku doodeysa laba sarkaal oo ka tirsan safaaradda Shiinaha in iyaga oo aan la casuumiin ay kasoo qaybgaleen munaasabad loogu dabaaldegayay maalinta qaranka ee Taiwan horaantii bishaan.

Labada dhinacba waxay sheegayaan in saraakiishooda ay ku dhaawacmeen dagaalka, waxayna ka codsadeen booliska Fiji inay dhacdaasi baadhitaan ku sameyaan.

Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobal dhulweynaha shiinaha kamid ah laakiin hogaamiyaasha Taiwan waxay ku doodayaan inay yihiin dal madaxbanaan.

Xidhiidhka ka dhexeeya labadooda wa mid aad u xun waxaana jirta hanjabaad joogto ah oola isu diraayo oo rabshadana ay ka dhalan karaan taas oo u horseedi karto in Mareykanka oo xulafo la ah Taiwan in uu lug ku yeesho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this