Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo si weyn uga horyimid magacaabista mid ka mid ah wasiirada cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war ka soo saaray magacaabista xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Rooble ayaa si weyn uga hor-yimid mid ka mid ah xubnaha wasiirada ee ku jira.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey wasiirada cusub, balse xusay inay arrin laga naxo tahay magacaabista mid ka mid ah.

“Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraalkan oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Cabdiraxmaan ayaa qoraalkan ku shaaciyey in wasiirrada cusub uu ka mid yahay shakhsi wax ka fuliyey weerarkii xarunta xisbigiisa lagu qaaday seddax sano ka hor.

“Waxaa arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda,” ayuu yiri.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray, “Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha.”

Ugu dambeyntii siyaasigan ayaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu arrintaas go’aan ka qaato, kana fogaado xubnihii weerarka u geystay.

“Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa.

The post CC Shakuur oo si weyn uga horyimid magacaabista mid ka mid ah wasiirada cusub first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this