Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay inay dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gallo ka dhan Al-Shabaab ka bilaabay waddada u dhaxeysa degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 27-aad CXDS  Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe iyo saraakil kale oo ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Khasaare xooggan gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

G/le Sare Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad oo lahadlay warbaahinta  ayaa sheegay inay howl-galkaasi illaa 11 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Degeaanka uu howlgalka laga fuliyey ayaa waxaa sidoo kale lagu magacaabaa bBurweyn oo udhexeeya degmooyinka Buul-burde iyo Jalalaqsi.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this