Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidanka Booliiska oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar)  taliyaha ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka, ayaa soo saaray wareegto uu xilka uga qaaday taliyeyaal, sidoo kalena ku magacaabay kuwa cusub oo bedalaya.

Warqadda ka soo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyaha saldhigga Booliiska degmada Shibis, waxaana xilkaas loo magacaabay, Cabdicasiis Axmed Baashane oo horey u soo noqday taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale waxaa wareegtadan xilkii looga qaaday taliyaha ciidamada Booliiska ee qeybta Bari, waxaana loo magacaabay Gaashaanle Mahad Korow.

Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa sidoo kale la faray inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, islamarkaana ay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka.

Dowladda Soomaaliya oo isku diyaarineyso doorashooyin ayaa maalmihii u dambeeyey qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this