Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Gabadhii shalay laga afduubtay Muqdisho oo maanta lagu qabtay Guriceel iyo sida ay ku bad-baaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay gabar maalintii shalay laga soo afduubtay magaalada Muqdisho.

Gabadhaasi oo lagu magacaabo Hibo Maxamed Xasan ayaa shalay subaxdii laga soo afduubtay xaafadda Shanta Geed oo ka tirsan degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, taasi oo si qasab ah uga wateen rag hubeysan oo watay gaari.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Hibo ayaa waxa qoyskeeda ugu maqal dambeysay waxyar un kadib markii ay shalay raggaasi wateen, iyada oo wicitaan ugu sheegtay hooyadeed inay wateen dad aysan aqoonsaneen, wixii intaasi kadambeeyayna la waayey.

Hibo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, xili ay iska dajiyeen raggii hore u afduubtay oo lagu soo waramayo inay ka cabsadeen dhaafinta kantorool ciidan oo ku yaala afaafka hore ee Guriceel.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gabadha ay gacanta ku dhigeen ciidamadaasi, kuwaasi oo ku wareejiyay maamulka Guriceel oo goordhoweyd lasoo xiriiray qoyskeeda.

Hibo oo muddo ku dhow 30-saac ka maqneyd qoyskeeda, isla markaana la weysanaa maqalkeeda ayaa maamulka Guriceel uu qoyskeeda dib ula hadashiiyey.

Falalka afduubka ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayey magaalada Muqdisho, iyada oo marar kala gedisan loo soo qabtay shaqsiyaad lagu tuhusan yahay inay xiriir la leeyihiin, wallow aysan wax badan ka badelin.

The post Xog: Gabadhii shalay laga afduubtay Muqdisho oo maanta lagu qabtay Guriceel iyo sida ay ku bad-baaday first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this