Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye XIJAAR oo xilalka ka qaaday dhowr taliye kuwa cusubna magacaabay (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa soo saaray wareegto uu xilka uga qaaday taliyeyaal, sidoo kalena ku magacaabay kuwa cusub oo bedalaya.

Warqadda ka soo baxday xafiiska taliye Xijaar oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyaha saldhigga ciidamada Booliiska degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana xilkaas loo magacaabay, Cabdicasiis Axmed Baashane oo horey u soo noqday taliyaha saldhigga degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Hase’yeeshee Baashane ayaa xilkaas laga qaaday, kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hotela Elite ee ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa wareegtadan xilkii looga qaaday taliyaha ciidamada Booliiska ee qeybta Bari, waxaana loo magacaabay Gaashaanle Mahad Korow.

Korow ayaa sidoo kale bedalaya taliyihii hore ee degmooyinka la’isku qeybta Waliyow Cadde ee magaalada Muqdisho.

Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa sidoo kale la faray inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, islamarkaana ay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka.

Xilka qaadista & magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, saacado uun kadib markii uu xalay taliyaha ciidamada Booliiska uu kormeer ku tegay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba dowladda Soomaaliya oo isku diyaarineyso doorashooyin ayaa maalmihii u dambeeyey qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho.

The post Taliye XIJAAR oo xilalka ka qaaday dhowr taliye kuwa cusubna magacaabay (Aqri) first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this