Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo kormeer sameeyey + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo saraakiil uu hoggaaminayey ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah bara koontarool ee ku yaalla M/ Muqdisho.

General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo uu wehlinayey taliyaha Booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Joon ayaa booqday wadooyinka dhowaan dhagxaanta laga qaaday, iyaga oo u guur kalayey xaaladda guud iyo sida u shaqeynayaan ciidamada ammaanka.

Degmooyinka ay koormeerka ku tageen waxaa ka mid ah  Howlwadaag, Yaaqshiid, Hiliwaa, Warta nabadda, Hodan, Kaaraan & Kaxda oo dhamaan baro kontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliiska Soomaalyeed.

Xijaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkoodauu ahaa sidii ula socon lahaayeen howl-gallada iyo baaritaanada ay wadaan ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday saraakiisha iyo ciidamada amniga inay u naxariistaan dadka shacabka ah, islamarkaana aysan dhibin, inta ay wadaan howl-gallada.

Muddooyinkii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay amniga caasimadda, waxaana ka socday howl-gallo ay wadeen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

2-14 3-122-14 1-16 3-12

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this