Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidanka ammaanka oo koontaroolo oo hor leh ka sameystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey kordhiyey baraha koontarool ee ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu baaro gaadiidka isaga kala gooshaya caasimadda.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Xijaar iyo saraakiil kale ayaa xalay booqday fariisimahaasi oo ay ciidamadu ka sameysteen isgoysyadii dhowaan laga qaaday dhagxaanta.

Booliiska ayaa bilaabay kadib wixii ka dambeeyey qaadida dhagxaanta inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa baabuurta, iyada oo kuwa dadweynaha celinaya jidadka muhiimka ah.

Xijaar oo ka warbixiyey booqashadiisa ayaa tilmaamay inay xalay kormeereen ilaa 15 baro koontoroolool oo ku yaalla inta u dhaxeysa bariga Muqdisho ee degmada Kaaraan, illaa galbeedka caasimada oo ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu ahaa sidii loola socon lahaa howl-gallada iyo baaritaanada ay wadaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

“Waxa aan kormeernay waddooyinkii dhagaxaanta aan ka qaadnay 5-cishe kahor, sidoo kale waxa aan qiimeyneynay kontoroolada cusub ee duleedka caasimadda dhaca iyo kuwa gudaha Degmooyinka Muqdisho si aan usoo ogaano isbadalka jira, Askarta waa in ay hubiyaan dadka balse waa in aan la dhibin, waana in loo turaa loo naxariistaa, ” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar oo hadalkiisa sii wata ayaa saraakiisha ciidamada kula dar-daarmay inay xoojiyaan waajibaadka ka saaran sugida amniga, islamarkaana ay u turaan shacabka.

Dowladda Soomaaliya oo isku diyaarineyso doorashada soo socota ee 20/21 ayaa wada howlo lagu xaqiijinayo amniga caasimada, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga.

vlcsnap-2020-10-19-08h49m34s629-1.png 3c16b469-cd42-47a5-a454-ec488fbbb2f0-1.j 9d75a45c-173b-4427-8699-0fa9a44bfb00-1.j acb23007-5aaf-4586-af2b-39cb4542ac9d-1.jvlcsnap-2020-10-19-08h48m08s502-1.png vlcsnap-2020-10-19-08h48m53s167-1.png

 

The post Sawirro: Ciidanka ammaanka oo koontaroolo oo hor leh ka sameystay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this