Sign in to follow this  
Deeq A.

Oday beeleedyo gaaray Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle, oo la filayo in laga billaabo dhismaha baarlamanka cusub ee maamulka.

Duubab dhaqameedyada maanta gaaray magaalada Jowhar waxaa garoonka diyaaradaha kuso dhaweyay masuuliyiin ka tirsan guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Duubabka dhaqanka ee maanta Jowhar lagu soo dhaweyay waxaa ka mid ahaa Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas C/raxmaan Ugaas Cabdullaahi, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Ugaas Maxamed Wali Xuseen Islow waxaana ujeedka Jowhar ay u tageen lagu sheegay sidii ay wax uga soo xuli lahayeen Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Ujeedka oday dhaqamedyada ay maanta u yimaadeen magaalada Jowhar ayaa ah sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanada labaad ee baarlamaanka Hirshabelle.

Mudada xil haynta Dowlad goboledka Hirshabelle ayaa soo gabagabowday iyadoo lagu wado in illaa horaanta bisha soo socota ee November la qabto doorashada madaxweynaha HirShabelle.

Si kastaba waxaa weli jira muran ka taagan arrintan ayada oo mid ka mid ah beelaha Hiiraan ay diiday doorashada xildhibaanada kadib markii ay soo baxday in xilka madaxweynaha oo horey ay u haysteen markan lagula tartamayo.

The post Oday beeleedyo gaaray Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this