Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah, xilli uu marayey inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaas, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya qaraxa kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada milatariga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan degan, balse ciidamada Xoogga dalka ayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari ka bilaabay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this