Sign in to follow this  
Deeq A.

Fatahaada webiga Shabeelle oo goysay buundada Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Fatahaada webiga Shabeelle ayaa saamaysay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana go’ay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo biyaha ay wadadu ka gooyeen buundada Warmaxan.

Fatahaadan waxa ka dhashay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimaad daro dadka ku nool degaanada shabeelaha hoose, waxaana ay wajahayaan gaajo macluul iyo cuduro kala duwan sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro, isla markaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay Fatahaada.

PUNTLAND POST

The post Fatahaada webiga Shabeelle oo goysay buundada Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this