Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo Garoowe gaaray kadib saacado dartiis loo xannibay Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   
Dani1.jpg?resize=1000%2C765&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay caasimadda Garoowe, kadib safar uu ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni, oo loo sameeyay soo dhowayn abaabulan, ayaa markii u horraysay loo xiray waddooyinka muhiimka ah ee Garoowe, taas oo xannibtay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.

Waddooyinka loo xiray madaxweynaha, ayaa saamayn xooggan ku yeeshay guud ahaan nolosha dadweynaha Garoowe, gaar ahaanna xamaalatada iyo muruq-maalka danyarta ah.

Sidoo kale, soo dhowaynta  madaxweyne Deni, ayaa loo magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo agaasinka madaxtooyada, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dad ka abaabulayay xaafadaha Garoowe.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay, kama warbixin safarkiisi dibadda, balse waxa la filayaa in uu saacadaha soo socda ka warbixiyo arrimaha uga qabsoomay safarkiisi dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST

The post Deni oo Garoowe gaaray kadib saacado dartiis loo xannibay Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this