Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in qadka Internet-ka loo xiray arrimo siyaasadeed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa weli cilad ay ka jirtaa qadka Internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay shalay dadka ku soo waabariisteen cilad heysata adeegga Internet-ka.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga dareemay cilada ku timid adeegga Internet-ka, hayeeshee maanta ayaa waxa uu Internet-ku yahay mid ka yara soo hagaagayo sidii uu ahaa Sabtidii shalay.

Sii hayaha wasiirka boostada iyo is-gaarsiinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay cilada ku timid qadka Internet-ka ee koonfurta Soomaaliya iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo taagan in ka badan 12-saacadood.

Canshuur ayaa sheegay in ciladan aysan cusbeyn, balse hadda ay suurta gashay in la cillad bixiyo xarigii go’ay 26-kii bishii July oo markaas si ku meel gaar ah loo xalliyey.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa beeniyay in arrimo siyaasadeed loo xiray qadkja Internet-ka wuxuuna xusay in wararka qaar ee la baahiyey ay yihiin kuwo been abuur ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this