Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhowaad 5 caruur ah oo ku waxyeelooobay miino ay ku ciyaarayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro caruur ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay miino kula qaraxday duleedka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in miinadu qaraxday xilli ay ku ciyaarayeen caruurta oo ku sugneyd deegaan hoos-yimaada magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey illaa afar caruur ah ayaa ku dhaawacantay qaxaasi, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud ahaa ee degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladda qaar ka mid ah caruurta ay waxyeeladu soo gaartay ay liidato, balse waxaa la tacaalaya saraakiisha caafimaadka.

Ma jiro wax faah faahin ah oo maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amnigu ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Inta badan waxaa gudaha Soomaaliya ka dhaca qaraxyada noocaan oo kale, kuwaas oo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this