Deeq A. Posted October 18, 2020 Kadib roobab xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sababay inuu gabi ahaan xirmo garoonka diyaaradaha magaaladaasi ee Ugaas Khaliif. Roobabka oo watay daadad xoogan ayaa lagu soo warramayaa inay hakad-geliyeen dhaq-dhaqaaqa garoonkaasi, gaar ahaan duulimaadyada. Wararka ayaa sheegaya in roobabka oo da’ay xalay ay biyo fara badan dhigeen gudaha garoonka Ugaas Khaliif, kaas oo aan in muddo ah helin wax dayac tir ah. Madaxa garoonka ayaa sidoo kale sheegay inay haatan wadaan dadaallo dib loogu furayo garoonka, isaga oo rajeeyey in 48-saac gudahood uu ku furmi doono garoonka, kadibna ay si rasmi ah u billaaban doonaan duulimaayada. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay rakaab badan oo maanta ka bixi lahaa caasimadda Muqdisho, kuwa kale oo laga soo qaadi lahaa garoonka Ugaas Khaliif. Beledweyne oo xarun gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa waxaa maalin weliba tegi jiray diyaarado dhowr oo ka bixi jiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites