Deeq A. Posted October 18, 2020 Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Jawaari ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaatigadiid ugu hortegay, soona dhoweeyey, guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaano, wasiiro ka tirsan maamulkasi iyo boqolaal shacab ah. Ujeedka socdaalka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa lagu sheegay inuu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo dhowaan ka dhaceysa halkaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in afhayeenkii hore ee baarlamaanka dalka oo deegaan doorashadiisu ay tahay Koonfur Galbeed inuu kulamo la qaato madaxda maamulkaasi. Inta uu ku sugan yahay Baydhabo sidoo kale wuxuu qaabili doono qeybaha kala duwan ee bushada, isaga oo u kuur-geli doono xaaladda guud ee magaalada Baydhabo. Rugcadaa siyaasadeed Jawaari ayaa muddooyinkii dambe wuxuu fadhigiisu ahaa Muqdisho oo uu ka waday kulamo siyaasadeed oo ku aadan doorashada 20/21. The post Sawirro: Jawaari oo ka dagay Baydhabo iyo ujeedka first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites