Deeq A. Posted October 18, 2020 (SLT-Armenia)-Dalalka Azerbaijan iy Armenia ayaa gaadhay heshiis cusub oo xabbad joojin ah xilli dambe oo Xalay, taas oo ah isku daygii labaad ee toddobaad gudihiisa ah oo la doonayay in lagu qaboojiyo, dagaalka sadaxda toddobaad ka socda gobolka Nagorno-Karabakh. Xabbad joojinta binu’aadanimo ee labada dal ay ku heshiiyeen ayaa bilaabanaysa Maanta oo ah 18 October, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia. Ku dhawaaqista heshiiska ayaa imaanaya, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Russia Sergey Lavrov uu khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa waddamada Azerbaijan iyo Armenia Lavrov iyo madaxweynaha dalka Farce Emmanuel Macron ayaa dhinacyada dagaallamay ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska xabbad joojinta ee ay gaadheen. Aroortii Sabtidii ayaa Azerbaijan iy Armenia uu midba kan kale ku eedeeyey inay kusoo qaaday weerarro cusub, taas oo dib kusii shidaysa rabshadaha ka aloosan gobolka ay ku muransanyihiin Nagorno-Karabakh oo dagaalka uu ka billowday todobaadyo. Source Share this post Link to post Share on other sites