Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Maanta ku wajahan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta oo Axad ah ku soo wajahan Caasimadda Garoowe, kadib 47 cisho oo uu ka maqnaa Puntland.

Madaxweyne Deni, oo Garoowe ka dhoofay 1-dii September 2020, wuxuu xilligaas markii u horraysay isaga oo  madaxweyne ah tegay Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qayb-galay Shirkii lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada dalka.

Kadib Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee Muqdisho, wuxuu safar ku tegay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu maalmo ku sugnaa, islamarkaana uga sii gudbay waddanka Imaaraadka carabta.

Waxaase uu mar kale dib ugu laabtay Nairobi oo uu saaka ka soo dhoofayo, waxaana loo samayn doonaa soo dhowayn abaabulan, kadib markii Madaxweyne ku xigeenku magacaabay guddi qaabilsan soo dhowayntiisa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Maanta ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this