Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada NISA oo caawa xiray weriye Cabdullaahi Kulmiye kadib wareysigii ‘halista ahaa’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ayaa caawa Muqdisho ku xiray weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadoow oo ka tirsan idaacadda Kulmiye, kaasi oo qaaday wareysigii lala yeeshay Abuukar Cumar Cadaan ee uu ku teegeeray Al-Shabaab.

Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Cabdullaahi Kulmiye ayaa waxaa loo haystaa inuu faafiyey wareysi khatar gelin kara amniga ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, iyo inuu faafiyey hadallada qof taageersan Al-Shabaab.

Wareysiga muranka dhaliyey ayaa Abuukar Cumar Cadaan wuxuu si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

“Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya, waxaana lagu hayaa guri ay ciidanka ilaalo ka yihiin, inkasta oo loo ogol yahay in ehelladiisa ay u tagaan.

The post Ciidamada NISA oo caawa xiray weriye Cabdullaahi Kulmiye kadib wareysigii 'halista ahaa' first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this