Deeq A. Posted October 17, 2020 Wararka ka imaanaya degaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay miino la eegteen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka yimid Buulo-burde, isla markaana waxa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa ka duwan. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay dagaal Buurweyn oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ku dhex-maray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Inta la xaqiijiyay Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada la weeraray, ayaa geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites